Jurgen Klopp Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Tababarihii Ugu Fiican Ee Bisha November

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay abaal-marinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ee bishii November.

Klopp oo kooxdiisa Liverpool aan wali lagaga adkaanin kulan ka tirsan horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, ayaa bishii November waxa uu wacdaro ka dhigay horyaalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku guuleystay dhamaan kulamadii.

Tababare Klopp oo maanta qalinka ugu duugay heshiis cusub kooxdiisa Liverpool, ayaa waxa loo doortay in uu ahaa tababarihii ugu wanaagsanaa bishii hore, waxaana uu ka sare maray macalinkii hore ee Reds ee Brenden Rodgers oo isaguna shaqo wanaagsan ka sameeyey Leicester Citiy.

Klopp ayaa gacanta ku dhigay abaalmarintan kaddib markii uu kooxdiisa ku hoggaamiyay inay siddeed dhibcood oo saafi ah hoggaanka kaga hayso kooxda booska labaad iyagoo dhammaan guulo soo gaadhay afartii kulan ee ay bishaas ciyaareen.

Guulaha ay Liverpool soo gaadhay bishaas November ayay ku jirtay guul weyn oo 3-1 ah oo ay kusoo derdertay Manchester City sidoo kale Aston Villa, Crystal Palace & Brighton & Hove Albion.

Jurgen ayaa noqonaya kaliya tababarihii labaad ee taariikhda afarta bilood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka saddex kamid ah ku guuleysta abaalmarintan kaddib Pep Guardiola.