Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Garaacay Dhigooda Burundi

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro 1-0 ah dhabarka u saariyay dhiggooga waddanka Burundi, ka dib markii ay maanta oo Jimce ah isku arkeen ciyaar qeyb ka ahayd tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Labada kooxood oo ku wada jira horinta koowaad ee “A” ama (Group A) ayaa yeeshay ciyaartoodii ugu horreysay. Ciyaaroyga xulka Soomaaliya ee lagu magacaabo Cumar Maxamed ayaa goolka guusha dhaliyay daqiiqaddii 40-aad ee ciyaarta.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh, inkastoo ciyaartoy calaamadda guduudan laga siiyay xulka Burundi, kaasoo laga saaray garoonka.

Burundi oo gurigeeda marti loogu ahaa ayaa la filayay inay ka faa’iideysato fursaddaas ay wareegga afaraad isaga hor imaadeen Soomaaliya.

Horinta Group A, waxaa ku jira Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo Burundi. Soomaaliya ayaa saddexdii kulan ee hore labo ka mid ah laga badiyay, markii ay ka hor tagtay Uganda iyo Eritrea, halka midna ay barbarro la gashay xulka waddanka Jabuuti.