Jurgen Klopp Oo Been Ku Qabtay Tarjumaan Jarmal Ah Oo U Tarjumayay Henderson & Sida Ay Wax U Dhaceen Oo Faahfaahsan

Jurgen Klopp ayaa been ku qabtay tarjumaan isagoo bartanka kaga jiray shirkiisa jaraa’id ka dib markii uu si qaldan u tarjumay hadal uu Jordan Henderson ka yiri kulanka caawa ee Champions League ee ay la ciyaarayaan RB Salzburg.

Henderson iyo Klopp ayaa saxaafada la hadlayay ka hor kulanka muhiimka u ah inay u soo baxaan wareega 16ka ee ay la ciyaarayaan Salzburg iyadoo kabtan Henderson la weydiiyay sida ay Reds u wajihi doonto ciyaarta.

Liverpool ayaa u baahan inay badiso si ay ugu soo baxdo wareega xiga, Klopp ayaana canaantay tarjumaanka markii uu si qaldan u sheegay in Henderson uu yiri: “Liverpool si sahlan ayay u wajaheysaa ciyaarta.”

“Waa doqonimo adigoo tarjumaan ah inuu ku garab fadhiyo tababare ku hadla luqada Jarmalka” ayuu Klopp ku yiri luqada Jarmalka.

“Su’aasha waxay aheyd haddii hanashadeenii Champions League ee sannadkii hore ay ina caawin doonto madaama aan natiijo keenay xaaladahaan oo kale.

“Henderson kama uusan hadli inaan si sahlan ciyaarta u wajaheyno. Waan ka warqabnaa howsha noo taala. Waxa uu ku hadlayaa waxyaabo caadi ah.

“Waa inaad si taxadar leh u dhageysato waxa uu yiri ciyaaryahanka. Haddii kale aniga ayaa tarjumaan u noqonaya. Ma ahan wax sidaas u adag.”