Jurgen Klopp: “Jadon Sancho Wuxuu Ku Qurux Badnaan Lahaa Maaliyada Liverpool”

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in Jadon Sancho uu ku qurux badnaan lahaa maaliyada Liverpool, laakiin waxa uu qitrtay inay adag tahay inay kala soo wareegaan Borussia Dortmund.

Xiddiga Ingariiska Sancho ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Dortmund xagaagan iyadoo Manchester United ay hogaamineyso tartanka loogu jiro.

Liverpool ayaa sidoo kale lala xiriiriyay xiddigaan laakiin Klopp ayaa soo jeediyay inaysan taasi dhici karin xagaagan.

Isagoo la hadlayay jariirada Bild ee ka soo baxda dalka Jarmalka, waxa uu yiri: “Maaliyada casaanka waa ay ku qurux badnaan laheyd Jadon Sancho. Laakiin uma maleynayo in heshiis ceynkaas oo kale ah uu dhici karo xagaagan.

“Waa ciyaaryahan aad u xiiso badan. Haddii uu u wareego Liverpool, waxaan noqon lahaa qofka ugu amakaaksan”

Sancho oo 20 sanno jir ah ayaa ka mid ah xiddigaha da’da yar ee sida weyn loo raadinayo iyadoo xiddigaan uu isku soo saaray Jarmalka ka dib markii uu ka tagay Manchester City.

Wuxuu dhaliyay 20 gool 43 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isagoo boos joogta ah ka helay xulka England ee uu hogaamiyo tababare Gareth Southgate.

Klopp ayaa kalsooni ku qaba seddexda weeraryahan ee uu ku heysto Anfield ee kala ah Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino kuwaasoo ka mid ah weeraryahanada laga baqo dunida kubada cagta.