Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in mid kamid ah dagaalyahanada Shabaab in muddo ahna ka tirsnaa in uu ugu dambeyn isku soo dhiibay ciidamada Maamulkaasi.
Jubbaland ayaa magaca dagaalyahanka isku soo dhiibay ku sheegay in uu yahay Cali Xasan Cabdallah oo ay Shabaab u yaqaaneen Cali Muhaajir, waxa ayna xuseyn in uu Shabaab ka tirsanaa 10 Sano.
Sidaan oo kale dhowr mar oo hore ayey maamulka Jubbaland usoo bandhigeen dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyn waxa ay dagaalyahanada weli ka tirsan Shabaab ee ka dagaalama deegaanada maamulkaasi ugu baaqeyn in ay isku soo dhiibaan Maamulka Jubbaland, waxa ayna u balan qaadeyan in ay soo dhaweyn doonaan.



