AKHRISO: Jubbaland maxay ka tiri dilkii Wasiir Siraaji ?

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa dhammaan Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Cabaas C/laahi Siraaji.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Soomaaliya, ahaana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Cabaas C/laahi Siraaji ayaa laga soo doortay Degaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ka dalbatay in ay baaritaan dhab ah ku sameyso dhacdadii lagu dilay Wasiirka, cadaaladana la horkeeno raggii ka dambeeyay falkan.

 

Jubbaland 11