DHAGEYSO: Ahlusuna “Nama quseyso Doorashadii Cadaado”

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa si cad u sheegay in aysan quseyn Doorashadii shalay ka qabsoontay Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku soo baxay Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo noqday Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay Doorashadii in ay tahay mid gaar ah, Islamarkaana ururka Alhlusuna aysan quseyn.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Ahlusuna uu ugu gacan haatinayo in ay ku soo biiraan Maamulka Galmudug, si loo midoobo.