Jowhar:- Khudbado laga dhageystay Musharaxiin Madaxweyne “SAWIRRO”

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay khudbadaha laga dhageysanayay Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo soo bilaabatay maalinkii shalay aheyd.

Ilaa Shan Musharax ayaa laga dhageystay maanta Khudbadaha, waxaana ay kala yihiin Daahir Cabdulle Cawaale, C/raxmaan Xasan Caddow, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Maxamed Caruush Diirow iyo C/naasir Maxamed Shirwac.

Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in guud ahaanba la soo gaba gabeeyay khudbadihii laga dhageysanayay Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

16-ka bishan oo ku beegsan Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay.