Goolhaye Iker Casillas ayaa barbareeyey rikoor uu horay u sameeyey halyeygii hore ee kooxda Manchester United Ryan Giggs.
Waxa uu Iker Casillas ku soo bilowday safka hore ee kooxdiisa Porto kulankii xalay ay guuldarrada 3-1 kala kulmeen naadiga Besiktas ee Champions League, waxaana uu Casillas sidaas ku barbareeyey rikoorkii Ryan Giggs ee ahaa in uu ciyaaray 19 xilli ciyaareed oo Champions League ah oo isku xiga.
36-sano jirkaan ayaa kulankiisii ugu horreeyey tartankan u ciyaaray Los Blancos 15-ka bishii September sanadkii 1999-kii, kulan ay ka horjeedeen Olympiakos, markaasoo uu 18 sano jir ahaa, waxaana tan iyo markaas uu ciyaaray 169 kulan.
Casillas waxa uu sidoo kale haystaa rikoorka ciyaaryahanka ugu safashada badan tartanka Champions League-ga, waxaana uu ka horreeya Xavi Hernandez oo saftay 157 iyo Ryan Giggs oo tartankan dheelay 151.
Dhinaca kale ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaa dheelay 176 kulan oo tartanka Yurub ah taas oo ka badan inta Paolo Maldini uu dheelay tartammada Yurub oo ah 174 kulan kuna jira kaalinta labaad iyo Xavi oo saftay 173 kulan kuna jira kaalinta saddexaad.




