Joseph Nkaissery “Gidaarka laga dhisaayo Xuduudka Soomaaliya waan bilaabaynaa

Dowladda Kenya ayaa sheegatay in ay dib u bilaabayso derbiga ay ka dhisayso xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya.

Kenya waxa ay sheegtay  in ay u bilaabi doonaan dhismaha derbiga ammaanka ee ku teedsan xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo  yareeyo weerarada Xarakada Al –Shabaab ay ka geysanayaan  dalka Kenya .

Wasiirka Arimaha Gudaha  Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in dhismaha oo cabirkiiso dhan yahay  700-km,in laga bilaabi doono degmada Kiunga ,waxuuna tilmaamay in u jeedadu tahay in la xiro dhammaan xuduuudaha u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in aan la xanibi doonin dadka shacabka ee doonaya in ay u gudbaan dalka Kenya ,laakiin baaritaan fara badan lagu sameyn doono.

Derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa muran fara badan ka dhex -dhaliyey madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya.