Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba wuxuu u baahan yahay waqti uu kula qabsado nolosha lkubada cagta Ingiriiska, sida uu sheegay tababare, Jose Mourinho.
Ciyaaryahanka caalamiga ah ee dalka France ayaa United kaga soo biiray kooxda Juventus lacag rikoor ah oo dhan £ 89m bishii August,
Pogba oo afar sanno ka dib dib ugu laabtay garoonka Old Trafford ayaa muujinaya qaab ciyaareed ka liita kii uu ku heystay kooxda ka dhisan Turin.
Pogba ayaa haatan lagu eedeynayaa dhibaatada kooxda Manchester United, iyadoo dad badan ay su’aalo ka keenayaan booska loo isticmaalayo, laakiin Mourinho ayaa difaacay awooda uu leeyahay 23-sano jirkiisa.
Tababaraha kooxda United ayaa qaba in Pogba uu kusoo laaban doono qaab ciyaareed wanagsan haddii uu helo waqti uu kula qabsado kooxdiisa.
“Waxa uu ka ciyaari karaa boosas badan ,” Mourinho ayaa ku sheegay wargeysigii uu bixiyay ka hor ciyaartaan.


