Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa iska fogeeyay inuu isaga sabab u ahaa in Mohamed Salah gacanta Chelsea xili hore ka baxsado.
Salah oo haatan wacdaro aan caadi ahayn dhigaayo asigoo ku guuleesatay laacibka EPL ugu wanaagsan kadib markii 31-gool uu ku dhaliyay 33-kulan EPL uu cayaaray.
Salah marki uu Chelsea ka tagaayay sanadii 2014 waxaa macalin u ahaa Jose Mourinho oo lagu eedeeyay dhawaan inuu fahmi waayay sida xidigaan reer Masar looga faa’iideesto.
Mourinho wuxuu yiri “Dadka waxay dhahaan inaan aniga ahay qofka Salah Chelsea ka diray ama ka iibiyay”
Jose oo ESPN la hadlaayay asigoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Aniga ayaa Salah Chelsea usoo iibiyay balse Chelsea ayaa iska sii iibisay, weliba anigaa markii hore ka talo bixiyay imaatinkiisii galbeedka London inkastoo asigoo aad u dhalinyar uu kooxda yimid”
“Go’aankii amaahda loogu diray waa mid aan wada gaarnay laakiin in Salah lasii iibiyo waa go’aan Chelsea maamulkooda kali ahaan u gaareen ayagoo Roma kasii iibsadeen”
Salah xili cayaareedkan wuxuu dhaliyay 43-gool asigoo Liverpool haatan gaarsiin rabo kama dambeesta Champion-ka madaama lugtii kowaad Semi Fiinalaha Reds 5-2 guusha kaga qaadatay AS Roma ayadoo lugta labaad lagu cayaari doono Roma arbacada dambe.