Madaxa Golaha Milliteriga ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo Wareysi Khaas ah siiyey Telefishinka Al-Hurra ayaa sheegay inuusan aqbalo doonin inuu la fariisto Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo .
Al-Burhan waxa uu xusay inuusan la kulmi doonin Jeneral Daglo oo uu ku eedeeyey inuu yahay Hoggaamiye Xisbi Mucaarad oo ku kacsan Dowladda Sudan.
Labada Hoggaamiye ayaa la qorsheynayaa inay yeeshaan Kulan Toos ah oo ay kaga wada hadlaan Dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum iyo magaallooyin kale.
Waraysiga uu Jeneral Al-Burhan siiyey Telefishinka Al-Hurra TV waxa uu ku sharxay inuu horey ugu sheegay Jeneral Daglo haddii Khilaafkooda yahay mid Shaqsiyadeed inay labadoodaba ka degaan Xilka ay ka hayaan Golaha Milliteriga haya Talada dalkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inuu Jeneral Daglo gaashaanka ku dhuftay Codsiga inay labadooda ka degaan xilka ay hayaan.
Hadalka Jeneral Al-Burhan ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay socdaan Dhaqdhaqaaqyo Diblomaasiyadeed oo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Sacuudiga iyo Maraykanka si xal loogu helo Colaada dalkaasi, waxaa hirgashay Xabbad-Joojin ay labada dhinac ku xadgudbeen.
Dhanka kale, dowladaha South Sudan, Ethiopia iyo Turkiye ayaa wada dadaal xal loogu helayo Colaadda u dhexeysa Labada Jeneral ee kala hoggaamiya Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF.



