Weeraryahanka kooxda Leicester City iyo qaranka England Jamie Vardy ayaa shaaca ka qaaday in daafaca Manchester United Chris Smalling uu yahay kii ugu adkaa ee uu ka horyimaado horyaalka Ingiriiska.
Vardy ayaase tilmaamay in difaaca ay isku kooxda yihiin ee Wes Morgan, uu yahay kan ugu adag xili ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska uuna yahay kii ugu adkaa ee uu ka garab ciyaaro.
“Waxaan dhihi karaa Wes Morgan. waa difaac aan caadi ahayn,” Vardy ayaa sidaas usheegay Website.ka Squawka, isagoo dhanka kale tilmaamay inuu ka helo qaabka ay daafaca uwada ciyaaraan xidiga reer Jamaica iyo Robert Huth.
Mar uu ka hadlayay in daafaca qaranka England Chris Smalling, uu yahay kii ugu adkaa kulankii uu jabinayay rikoorkii dhanka gooldhalinta weeraryahankii Manchester United Ruud van Nistelrooy ayaa waxaa uu yiri.
“Waxaan dhihi karaa Chris Smalling sanadkan ima uusan siin daqiiqad aan ku nasto, aad ayay uwanaagsan tahay inaad hal koox kawada ciyaartaan isaga halkii aad ka hor imaan laheyd”ayuu yiri Vardy.
Smalling ayaa dhanka kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guushii xulka qaranka England ay ka gaareen Germani, isagoo goolkii bar bardhaca dhaliyay.


