DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo qaraxii cawa ka dhacay deegaanka Buurane

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow qarax uu halkaasi ka dhacay.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay qaraxan nuuciisa in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Inta la ogyahay 5 askari ayaa ku dhaawacantay iyo waliba labo qof oo shacab ah.

Waxaana la sheegay qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi in uu geeryooday, iyadoona saraakiisha dowladda ay sheegeen in dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi loo soo qaadi doono muqdisho.

Wariyaheena inooga soo warama magaalada Jowhar Maxamed Yuusuf Colow ayaan ka wareysanay arimahaasi.