Jamaahirta Man United oo Paul Pogba Ku Tilmaamay Qiyaanoole Weyn

Jose Mourinho waxaa uu mar walba filanayay aflagaado badan oo soo gaari doonta Paul Pogba kadib markii ciyaariyahanka reer France uu ciyaar liidata soo bandhigay kulankii Man United iyo Liverpool ee gool la,aanta ku dhamaaday xalay.

Aragrtiyada qaar waxa ay la xiriireen sida uu ninkaan United ay ka dhigtay ciyaariyahan ugu qaalisan aduunka  ugu fashilmay inuu dhinaca weerarka aado ,xili uu isagu codsaday in habkiisa shaqada horey loo dhaqaajiyo oo dhexda laga wado taas oo uu xalay sameeyay tababare Jose Mourinho.

Qaar ka mid ah jamaahiirta United ayaa laacibkaan kusoo weeraray Twitter-ka waxaana ay ku tilmaameen qiyaanole, xitaa waxaa arinta Pogba kasoo hadlay xidigii hore ee Man United Phil Neville oo yiri “ Waa inuu Paul Pogba wax badan hor mariyaa qaab ciyaareedkiisa.

Halkaan waxaan kusoo koobnay hadaladii qaar ka mid ah jamaahiirta United ay ku weerareen Pogba.

Paul McDonald “ Ma jirto mar marsiyo badan, Pogba waa qiyaanoolaha ugu weyn ee ciyaara kubada cagta.

Matthew Ordish “Pogba waa dameerka ugu qaalisan ee aan arko abid,waa wax matare weyn.

Ryan Beaumont “Waxaan u maleynayay in aanan wali