Itoobiya oo ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor diiq qaran ah

Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.

Isbuurashada waxaa ku dhintay 52 qof, soda ay dowladdu sheegtay

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka hadlaya waxa sababay dhimashada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.

Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.