Bilada Nobel ee daawada ee 2016 oo la siiyay Yoshinori Ohsumi

Bilada Nobel ee daawada ee 2016 ayaa la siiyay Yoshinori Ohsumi ee dalka Japan, kadib markii uu helay autophagy – oo ah sida jirka uu u kala jabiyo unugyada iyo sida uu ugu sameeyo dib u habayn.

Shaqada Ohsumi ayaa muhiim ah sababtoo ah waxay macnaysaa waxa xumaada cudurada ay ka mid yimiin Kansarka iyo Parkinson.

Wuxuu helay hidayaal (genes) sameeya hab ay iyagu isku cunayaan.

Qaladaadka hide sideyaashan ayaa keeni kara cudur.

Sanadkii hore abaalmarinta Nobel ayaa waxaa qaybsaday saddex sanisyahano oo soo saaray daawo malariyada iyo cudurada waddamada kulaylaha.