Roberto Di Matteo Oo Shaqada Laga Ceyriyay Iyo Magacyada Bedeli Doona Oo La Ogaaday

Aston Villa ayaa ceyrisay macalin Roberto Di Matteo kadib markii qaab ciyaareed liita uu ka sameeyay Horyaalka Championship-ka.

Di Matteo waxaa loo keenay kooxda Villa inuu dib ugu soo celiyo Premier League kadib markii ay ka dhaceen bishii May.

Laakiin tababarihii hore ee Schalke, West Brom iyo Chelsea ayaa hogaaminayay kooxda muddo kooban.

Roberto Di Matteo ayaa sanadii 2012 kula guleystay kooxda Chelsea tartanka Champions League. laakiin waxa uu awoodi waayay inuu kaalmaha hore keeno kooxda Aston Villa.

Tababaraha kooxda Huddersfield David Wagner, Tababaraha kooxda Bristol City Lee Johnson iyo Steve Bruce ayaa dhamaantood u sharaxan hada shaqadaan kooxda heerka labaad.