Kenya-RisaalaFM- Dowladda Israel ayaa dowladda Kenya ka caawinaysa dhismaha ay dowladda Kenya ka wado xadka ay la wadaagto Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Kenya ay ka rabto Israel dhismaha Darbi la mid ah kan Israel ay ka dhistay Daanta Galbeed.
Darbiga ay Israel ka caawineyso Kenya ayaa lagu sheegay Dherarkiisa 440 Mayl oo laga dhisayo si loo dhimo Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Kenya ayaa ku baraarugtay dhismaha darbi kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Weeraro uu dhiig badan ku daatay Al-shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya iyo qeybo ka mid ah gobolka Soomaaliya ee Waqooyi Bari, waxaana ka mid ah weerarada la xusuusto suuqa Westgate iyo jaamacadda Garisa.
Israel ayaa balan qaadkan u sameysay dowladda Kenya,waxaa ay sheegtay in uu ballan qaadkaasi qeyb ka yahay qasbashada Quluubta Afrika oo ay Israel hadda u xusul duubeyso.
Ra’isal wasaaraha Israel ayaa wali booqasho ku jooga Qaaradda Afrika,waxaana madaxda uu la kulmay ka mid ah Kan Kenya Uhur Kenyatta halkaas oo uu ka sameeyay balanqaadka dhismaha Darbiga u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.


