Iskuulka Boqor Fahad ayaa galabta iska xaadiriyay kama dambeysta Tartanka iskuulada Idaacadda Risaala oo sanadkii Todobaad ay Idaacadda qabaneyso.
Tartankan oo bilowgiisii ay iska diiwaangeliyeen iskuulo gaaraya 14 ayaa waxaa galabta afar dhamaadkiisa qeyb ka mid ah ku tartamay iskuulada Boqor Faad iyo Al-Nahda.
Tartanka iskuulada Risaala ayaa waxaa maalgelineysa shirkadda UBC COCA COLA, waxaana tartanka uu marayaa gaba gabo, maadaama qorshaha uu yahay in la soo gaba gabeeyo todobaadkan dhamaadkiisa.
Labada iskuul ayaa galabta xarunta dhexe ee Idaacadda la yimid min Shan arday, waxayna soo bandhigeen tartan xiiso badan, iyada oo ugu dambeyn ay guusha ku raacday iskuulka Boqor Fahad 12 iyo 6, taasi oo sababtay in Al-Nahda uu isaga haro gabi ahaanba tartanka.
Guddoomiyaha Tartanka iskuulada Idaacadda Risaala Xasan Cabdi Axmed ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natijada tartankii galabta dhexmaray labada iskuul.
Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa waxaa tartami doona iskuulada Boqor Fahad iyo Abii xaniifa, waxaana iskuulkii badiya uu heli doonaa abaalmarinta ay bixineyso COCA COLA.



