Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta tartan aad u xiiso badan uu xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala ku dhexmaray iskuulada kala ah Al-nahda iyo iyo Al-nujuum, iyada oo tartanka uu galay maalinkiisii Shanaad.
Labada iskuul oo ku tartamayay min Shan arday ayaa waxaa la weydiiyay iskuulkiiba Lix su’aal, iyada oo iskuul ka jawaaba sida saxda uu helayayay laba dhibcood, halka ka faa’ideysigana ay aheyd hal dhibic.
Tartankan oo sanad walba ay Idaacadda qabato waxaa sanadkan maalgelinaya shirkadda UBC COCA-COLA, waxaana abaalmarinta sanadkan lagu bixinayo ay tahay mid ka qaalisan kuwii horey loo bixin jiray.
Galabta waxaa tartankii dhacay badiyay Al-nahda oo keensaday Sagaal dhibcood, halka iskuulka Al-hujuum uu la yimid Todobo dhibcood, waxaana natiijada tartankii galabta labada iskuul dhexmaray ku dhawaaqay Guddoomiyaha Tartanka Dugsiyada sare.
Jimcaha berri ah waala nasan doonaa, maalinta Sabtida ah waxaa tartami doona iskuulada Al-anwaar iyo Macmuur, waxaana bisha barakeysan maalinkaas ay noqoneysaa Sagaal, tartanka wuxuu marayaa qeybihii ugu xiisaha badnaa.



