Iskuulada Abii Xaniif iyo Al-Anwaar oo galabta uu dhexmaray tartan xiiso badan

Iskuulada Abii Xaniif iyo Al-Anwaar ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kaasi oo si habsami leh uga socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala.

Tartankan ayaa waxaa maalgelinaya Shirkadda Cabitaanada ee Cocacola, taasi oo Iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan siineysa Abaalmarino ay ku farxaan, inta aan la gaarin ciida, si ay ugu ciideestaan.

Iskuulada Abii Xaniif iyo Al-Anwaar  ayaa xarunta dhexe ee Risaala la yimid min Shan Arday, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u heersareeya.

Abii Xaniif ayaa  ugu dambeyn guusha raacday oo keensaday dhibco gaaraya 10, halka  Al-Anwaar oo la tartamayay uu keensaday 7 dhibcood.