Madaxii hore ee suuqa kala iibsiga Arsenal Dick Law ayaa shaaca ka qaaday sida uu weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy ugu dhawaaday inuu ugu wareego Emirates Stadium heshiis 20 milyan ginni ahaa sannadkii 2016.
Arsenal ayaa bartilmaameed ka dhigatay Vardy ka dib markii uu ku hogaamiyay Leicester City hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2015-16.
Vardy ayaa dhaliyay xilli ciyaareedkaas 24 gool isagoo jabiyay rikoodhkii Ruud van Nistelrooy ee isagoo shabaqa soo taabtay 11 kulan oo isku xigta oo horyaalka Premier League ah.
Arsene Wenger ayaa si weyn u doonayay inuu adkeeyo weerarkiisa xagaagii 2016, wuxuu rabay inuu Vardy keeno kooxda.
Dick Law oo kooxda u shaqeynayay muddo 13 sannadood ah intii u dhaxeysay 2005 iyo 2018 ayaa mas’uul ka ahaa heshiiska 20ka milyan ginni ee Vardy, waxa uu xitaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka hor inta uusan ka bixin daqiiqadii ugu danbeysay.
Isagoo la hadlayay jariirada The Athletic, Law ayaa yiri: “Heshiiska Leicester aan la gaarnay wuxuu ahaa mid dhameystiran, waxaan xitaa heshiis la gaarnay ciyaaryahanka.
“Isaga iyo xaaskiisa Rebekah ayaa ina soo booqday, waxa uu hor fariistay Arsene Wenger… ka dibna heshiiska waa uu ka baxay.
“Markii uu ku laabanayay Leicester waxaa i soo wacay isaga wuxuuna ii sheegay inuu doonayo inuu ka fekero heshiiska.



