Iran oo sanadkan laga xajineynin

Wasiirka dhaqanka Iran, ayaa sheegay in Tehran aysan u diri doonin muwaadiniinteeda sanadkan Sacuudiga si ay u xajiyaan.

Ali Jannati, ayaa sheegay inaysan suurgal aheyn eedeynta madaxda Sacuudiga ee ah inay caqabada hordhigeen xujeyda Iran.

Xajii sanadkii hore, ayey boqolaal xujey ah oo badi Iraniyiiin yihiin ku dhinteen wiish ku soo dhacay oo Tehran ku eedeysay madaxda Sacuudiga.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Iran iyo Sacuudiga, ayaa sii kordheysay iyadoo labada awoodood ee gobolka ay kala taageeraan kooxo kala duwan oo dagaallamaya oo ay ku jiraan kuwa Suuriya iyo Yemen.