IOM oo soo saartay heerka shaqo & Waxbarasho la’aan ee heysata dhalinyarada Soomaaliyeed

Heerka waxbarashada oo hooseeya iyo shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la sheegay iney qasabtay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ka tahriibaan dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayada muhaajiriinta caalamiga ee IOM.

Daraasadaan oo dhaqaalo ay ku bixisay dowlada Japan ayaa lagu sheegay xiriirka ka dhaxeeya shaqo la’aanta dhalinyarada iyo tahriibka dhalinta Soomaaliyeed ay ku dhaqaaqaan.

Daraasada waxaa diirada lagu saaray tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed ay sameeyaan kuwaasi oo badankood ka taga magaalada Muqdisho, magaalada Baydhabo iyo magaalada Kismaayo.

Marka la eego daraasada 24% warbixinta ayaa muujineysa in dhalinyarada magaalada Baydhabo ay yihiin shaqo la’aan, magaalada Kismaayo 13 & ayaa shaqo la’aan ah halka magaalada Muqdisho la sheegay in 6% ay shaqo la’aan yihiin.

Qiyaastii 38%  dhalinyarada shaqo la’aanta ay heysato ayaa la sheegay iney yihiin kuwo aan heysan wax barasho ayna ka faa’ideysan dhaqdhaqaaqyada dhanka suuqyada.

Warbixinta hayada IOM ayaa lagu dalbaday in sare loo qaado dhanka waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed iyo hayado badan oo dhanka waxbarashada ka taageera dhalinyarada tahriibka ku baxaya.

Agaasimaha gobolka ee hayada muhaajiriinta IOM Jeffrey Labovitz ayaa sheegay in 55% dhalinyarada heysata waxbarashada ay dhankooda doonayaan in sare usii qaadaan waxbarashadooda taasi oo fursado kale u abuuri karta.