Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay qortaan dhalinyarada saboolka ee ku sugan Waqooyi Bari.

Saraakiil u hadashay ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sii daayay warbixin ay ku sheegayaan in Alshabaab ay askar ahaan u qortaan dadka laga tirada badan yahay ee ku sugan magaalada Mombasa.

Warbixintan ayaa la shaaciyay markii ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen afar dhalinyaro ah oo Al-shabaab ay kasoo qorteen askar ahaan magaalada Gaarisa kuwaasi oo isla magaalada lagu xiray todobaadyo ka hor.

Sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya dhalinyarada Al-shabaab ay ka qortaan waqooyi bari Kenya ayaa lagu sheegay iney da’dooda u dhaxeyso seddex sano ilaa 15 sano jir.

Kenya ayaa dagaal adag kula jirta Al-shabaab, maadaama Alshabaab marar badan weeraro dhimasho sababay ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Waxaana la aamisan yahay in Al-shabaab-ka ugu badan ee ku sugan gudaha dalka Kenya ay ku dhuumaaleystaan Keymaha Boni  loo yaqaan oo ciidamada Kenya marar badan ay weeraro ka geysteen.