Inter ayaa dhameystirtay saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ever Banega oo saxiixay heshiis seddex sanno ah.
28-sano jirkaan ayaa kaga soo biiray kooxda Sevilla, halkaas oo uu labo xilli ciyaareed ku qaatay – isagoo ku guuleystay Europa League labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.
“FC Internazionale waxa ay ku faraxsan tahayy kooxda uu ugu soo biiraay Ever Banega , waxa uu xiran doonaa maaliyada Nerazzurri seddexdii xilli ciyaareed ee soo socota,
Ciyaaryahanka reer Argentiana ayaa muddo dheer la filayay inuu ugu saxiixo Inter beeca xorta ah, inkastoo heshiiska markii hore kooxo kale ay kujireen,
Kubadsameeyaha ayaa casaan qaatay kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa Copa del Rey uu u ciyaaray markasoo Barcelona ay ka qaaday bishii May,