Inter Milan Oo Dhameystirtay Saxiixa Joao Mario

Inter ayaa dhameystirtay saxiixa ninka ku guuleystay tartankii caalamiga ahaa ee Euro 2016 ee Joao Mario kasoo kaga soo dhaqaaqay kooxda Sporting.

Sporting ayaa xaqiijisay 23-sano jirkaan in lacag  dhan € 45 million ay kaga iibiyeen kooxda Serie A ka dhisan iyadoo haatan heshiiska labada koox ay shaaca ka qaadeen.

Joao Mario ayaa u ciyaaray todobo kulan xulka Portugal ee xaqiijisatay Euro 2016 bishii hore xiligasoo bartilmaameed uu unoqday kooxo waaweyn.

Sidookale Inter Milan ayaa isha ku heysa saxiixa weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Barbosa,sidii ay ku keeni laheyd maalmaha kooban ee ka harsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Inter ayaa sanadkaan waxaa lagu sameynayaa dib u dhis xoogan kadib markii maamul cusub ay la wareegeen shaqada.