Sergio Aguero Oo Qaboojiyey Dagaalka La Rabo In Laga Dhex Abuuro Isaga Iyo Zalatan Ibrahimovic

Weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaa wax laga weydiiyey tartan inuu kula jiro iyo inkale dhaliyaha reer Swedan iyo kooxda Manchester United Zalatan Ibrahimovic kadib markii saxaafada daabacday inuuu dhexeeyo tartan dhanka gooldhalinta.

Zalatan ayaa seddex gool dhaliyey tan iyo markii uu u saftay Manchesrer United , laakiin waxaa uu ku guuldareestay inuu xaley gaaro shabaqa kooxda Hull City , taasi oo ka dhigan in Aguero uu fursad u heetsto hogaanka inuu qabto marka kooxdiisa ay caawa la dheeleyso West Ham United.

Sergio Aguero ayaa loo saadaalinayaa abaalmarintaan gooldhalinta maadaama xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu ku dhameeystay booska labaad , waxaana uu la socdaa in gooldhalinta lagu wada tartamidoono.

”Labadeena , Zalatan iyo Aniga, waxaan ku bilaabanay xilli ciyaareedka si cajiib ah, waana wada dhalianay goolasha ,” ayuu Aguro sheegay. ” Laakiin uma maleeynayo aniga inuu tartan naga dhexeeyo, waxaan aniga la dagaamayaa nafsadeeyda, waxaan isku dayey xilli ciyaareedka inta uusan bilaaban inaan is hormariyo.

”Haddii aan aniga awoodo inaan si fiican u sameeynkaro midaas, waxaan ku soconayaa sidaan maxaa yeelay waa u faa’ido kooxdeeyda goolsha aan dhalinayo.

”U jeedkeeyga halkaan waxaa uu yahay in sanad waliba aan koob la qaado kooxda Manchester City, sidoo kale hadafkeeyga ugu weeyn ee xilli ciyaareedkaan waa inaan ku guuleeystaa koobab.