Inkaarta Liverpool Oo Bilaabatay Ka Hor Furitaanka Premier League

Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara ee Adam Lallana uu garoomada ka maqnaan doono muddo bilooyin ah ka dib markii uu bowdada kasoo gaaray dhaawac.

Lallana ayaa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono ilaa laga gaarayo bisha October ee sannadkaan, taasoo ka dhigan inuu maqnaanayo ku dhawaad saddex bilood..

Tababaraha kooxda Liverpool oo la hadlaayay website-ka kooxdiisa ayaa yiri” Aqbaartaan ma aheyn mida aan dooneynay, laakiin waa inaan ka fakirnaa sidii aan ka gudbi laheyn.

“Nasiib darro ma anaan fileyn in Adam uu naga maqnaanayo bilo, ama isbuucyo, waxaan umalaynayaa in uu ciyaari doonin bilaha August iyo September ”ayuu hadalkiisa ku daray Klopp.

Kooxda Liverpool ayaa isku kulamada bug baxa tartanka Champions League waxa ay ay ku aaday kooxda Hoffenheim ee ka dhisan dalka Jarmalka.

Lallana ayey u badan tahay inuu seego kulamada ay kooxdiisa la ciyaareyso kooxaha Arsenal iyo Manchester City Horyaaalka Premier League.