Xoogag taageersan dawladda Yemen ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaalyahannada Al-Qaacida ka saareen maagaalooyin waawayn oo ku yaal gobolka koonfureed ee Shabwa.
Ciidamada Yemen oo ay la socdaan maleeshiyo beeleedyo ayaa waxa taageerayey ciidadmada Imaaraat-ka iyo Maraykanka.
Maraykanku wuxuu Al-Qaacida qaybteeda jasiirad la moodka Carabta u arkaa in ay tahay qaybta ugu khatarta badan ururkaa argagixisada ah.
Qaybtan ka tirsan Al-Qaacida ayaa ka faa’idaysatay qalalaasaha ka taagan Yemen ee ka dhasay dagaalka sokeeye waxa aanay ku fidday dhanka koonfureed ee saliidda iyo gaaska qaniga ku ah.
Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka oo la yidhaa Jeff Davis ayaa yidhi ujeedada ugu wayn ee hawlglkani waa in “la wiiqo” kartida ururkan.



