Gudoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, ayaa ka hadlay dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walaalkiis oo lagu dilay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Carafaat.
Cirfo, ayaa sheegay maqalka dilka Gudoomiyihii Galgaduud inuu soo gaaray xalay, loona sheegay xilliga la dilaayay Gudoomiyihii Galgaduud inuu booqanaayay guri ay daganaayeen Aabihiis iyo Hooyadiis oo ku yaallo Degmada Yaaqshiid.
Wuxuu sheegay inuu maqlay dabley hubaysan guriga dhexdiisa inay ku dileen Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo wiil la dhashay oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali Cilmi.
Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud.



