Idaacadda Risaala oo maanta afurisay 250 qof (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa afurin u sameysay 250 qof oo ahaa bukaanada ku jira Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho iyo dad danyar ah oo aan awoodin iney afuraan.

Lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkaan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacada Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.

Dadka ka faa’iideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhamaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay.

Ustaad C/weli Yaxye Cali oo ka mid ah guddiga barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso howlaha afurinta ay wadaan iyo lacagaha ilaa hada soo gaaray iyo sida loo maamulay, waxaana uu sheegay qaabka ay hada wax u socdaan in ay tahay mid wanaagsan oo ay rajeynayaan in dad badan ay ka faa’idi doonaan.

Sidoo kale Idaaacadda ayaa shalay afruin u sameysay dad gaaraya 200 oo qof, kuwaasi oo aan awoodin in ay iska bixiyaan, waxaana barnaamijkan uu yahay mid marba laga bixinayo goobo kala duwan.

Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.

Maamulka Idaacadda Risaala ayaa go’aansaday in sanadkii labaad la qabto barnaamijkan kadib codsi ka yimid dhageystayaasheeda oo doonaya iney walaalahooda afurka awoodin caawiyaan, waxaana sanadkan sanadkii hore uu barnaamijkan kaga duwan yahay in galab kasta afurin loo sameeyo dadka danyarta ah ee gudaha iyo banaanka magaalada ku nool.