Idaacadda Risaala oo maanta afurisay 200 oo qof

Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta afurin u sameysay 200 qof oo ka mid ah dadka danyarta ah.

Dadkan la afuriyay ayaa waxa ay ku nool yihiin Waaxda Horseed, Waaxda Gaheyr iyo Waaxda 1 May ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Dadka ka faa’ideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay.

Lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Xamar Jajab Cali C/qaadir Faarax Karaama ayaa u mahadceliyay Idaacada Risaala iyo dadkii ka qeyb qaatay barnaamijkan.

Safiyo Joobane oo ka mid ah horjoogayaasha kaamamkii afurinta laga sameeyay ayaa dalbatay in la joogteeyo gargaarka la soo gaarsiinayo dadka danyarta ah.

Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.