Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa maanta afurin u sameysay 100 qof oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Dadka ka faa’ideystay deeqdan afurinta ah ayaa u mahadceliyay Idaacadda Risaala iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay afurka la gaarsiiyay.
Lacagaha afurinta loogu sameeyay dadkan ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala oo si toos ah ugu qeyb qaadanaayay Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar oo galabta kasta ka baxa Idaacadda Risaala.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay deeqdan afurinta ayaa Maamulka Idaacada iyo dadkii ka qeyb galay barnaamijka loogu gurmaday uga mahadceliyay, waxa ayna dalbadeen in la joogteeyo.
Guddoomiyaha degmada Boondheere Zeynab Yuusuf Wehliye ayaa ka mahadceliyay afurinta loo sameeyay dadka danyarta ah ee ku nool degmada Boondheere.
Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar ee ka baxa galabta kasta Idaacadda Risaala ayaa ah barnaamij lacago loogu aruuriyo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan afurka.




