Zlatan Ibrahimovic ayaa ku adkeysanaya inuusan dooneynin inuu ciyaaraha ka fariisto ka dib dhaawacii halista ahaa ee ka soo gaaray jilibka, laakiin sida ay sheegeyso jariirada Daily Mirror xiddiga reer Sweden ayaa aqbalay in xagaagan uu soo gabagabooyo waqtigiisa Manchester United.
Inkastoo wararka ay soo jeedinayaan in Zlatan Ibrahimovic uu qabtay shaqo ku filan oo uu ku heli karo qandaraas hal sanno oo dheeri ah oo uu ku sii joogo Old Trafford hadana waxa uu aqbalay in waqtigiisii Man United uu soo idlaaday.
35 jirkaan ayaa wajahaya sagaal bilood oo uu garoomada ka maqnaan doono taasoo la micno ah inuusan soo laaban doonin ka hor 2018, waxaana ay taasi meesha ka saareysaa in Zlatan uu baaqi ku sii ahaado Old Trafford.
Sida ay sheegtay Daily Mirror Ibrahimovic oo 35 sanno jir ah ayaa haatan diiradiisa u weecin doona magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka haddii ay ahaan laheyd kooxda LA Galaxy ama LA FC oo ah koox cusub oo sannadka danbe ka qeybgeli doonta horyaalka MLS.
Zlatan Ibrahimovic ayaa xilli ciyaareedkan ah xiddiga ugu goolasha badan United isagoo dhaliyay 28 gool, waxaana uu doonayaa inuu mar kale ciyaaro marka uu taam ahaansho buuxda soo helo.
Qandaraaska uu haatan Ibrahimovic kula jiro United waxa uu ku egyahay 30ka bisha Juun.



