DHAGEYSO WAREYSI: Maamulka Beledweyne oo sheegay in aysan sii deyneyn Odayaal Dhaqameed

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen inaan la sii deyn doonin Odayaal dhaqameed ku xiran Magaaladaasi, inta laga keenayo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo Qof shacab ah dilay.

Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne Maxamed Ibraahin Food Cadde oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Odayaal dhaqameed ku heyb ah Aksari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Qof shacab ah ku dilay Magaalada Beledweyne ay hada u xiran yihiin dilkaasi, maadaama uu sheegay in ay qarinayaan Askariga.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Odayaashan ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa laga keeno Askariga, wuxuuna tilmaamay in lagu raadjoogo oo gacanta lagu soo dhigi doono.