Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Haween ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Gabiley loo geystay tacadiyo, kufsi iyo jirdil isugu jira Lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Qoraalkan ay Hay’adu soo saartay oo warbaahinta soo gaaray ayaa waxaa lagu sheegay in Haweenkaasi ay kufsadeen rag rag isugu jira Askarta xabsiga iyo rag kale oo uga yimid gudaha xabsiga, kuwaasi oo marar badan falkaasi kula kacay.
Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in falkaasi ay cambaareyneyso, sidoo kalena ay aad uga xun tahay.
Taliyaha Xabsiga Gabiley Maxamed Axmed Dhunkaal oo warbaahinta wax ka weydiisay jiritaanka warkan ayaa wxuu sheegay in ay ka dambeysay arrintan sidoo kalena ay faafiyeen Ehelada Haween dil loo geystay oo ku xiran xabsiga.


