Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka oo ay galabta ku balansanaayeen in ay ku tartamaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag ayaa waxaa la waayay oo soo xaadiri weysay degmada Xamar Jajab.
Degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay labadii kulan hore oo ay soo tartantay ay aheyd mid guul daro la soo kulanta sidoo kalena galabta laga waayay masaraxa Risaala.
Guddiga Tartan Aqooneedka Idaacadda Risaala ayaa ugartay degmada Howlwadaag in 3-dii dhibcood ee tartanka meel cidlo ah in lagu siiyo maadaama degmadii ay la tartami laheyd ee Xamar Jajab ay soo xaadiri weysay.
Majaajilistiyaasha Idaacadda Risaala ayaa galabta jaanis loo siiyay in ay su’aalo Aqoon guud ah weydiiyaan dhageystayaasha si Barnaamijka uu u ahaado mid meeshiisa ka sii socda.
Sidoo kale Gudiga Tartanka Aqooneedka Idaacadda Risaala ayaa sheegay in gabi ahaan Tartanka ay isaga hartay degmada Xamar Jajab sidoo kalena degmada Howlwadaag rajadeeda ay ku xiran tahay in ay usoo gudubto qeybaha kale ee tartanka marka beri ay tartamaan degmooyinka Deyniile iyo Wadajir.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan dhexda u xiratay in ay taaba geliso tartan aqooneedka Degooyinka Idaacadda Risaala.
Sikastaba Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan sidoo kalena ay soo dhowdahay abaalmarintii ay heli laheyd degmadii ku guuleysata Tartankan.


