Howlgallo ka socda Gobolka Mudug iyo Galmudug oo ka hadashay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen degaanka Camaara oo la sheegay inay la wareegeen, waxaana ay soo bandhigeen hub iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo howlgalka lagu qabtay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mas’uuliyiinta hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay inta badan isaga baxeen gobolka Mudug ayna ku raad joogan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta guud ahaan degaannada Galmudug ay ka saarayaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeeyay Ciidamada howlgalka wada ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada ay sii wadaan howlgalka si loo xaqiijiyo amniga Guud ahaan degaannada Galmudug.