Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ka socda Shabeelaha Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ayaa Howlagallo ka wada Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana howlgaladan ay yihiin kuwa Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Huwanta ah ayaa la sheegay in ay Burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku Tababaraan Dhalinyarada u dagaalanta oo ku yaala Tuulooyin hoostaga degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Howlgalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose ay ku Gacan siinayaan Ciidamo Mareykan ah oo wata Diyaarado Dagaal.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo hogaaminaya howlgaladan ayaa Risaala u sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo Al-shabaab looga saarayo gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kalena howlgalada ay sii socon doonaan.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada Shabeelaha Hoose in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Xalay ayay aheyd markii Al-shabaab deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen Nabadoon deegaankaasi caan ka ahaa oo magaciisa lagu sheegay C/rashiid Xasan.