Howlgal laga sameeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta  waxa ay Howlgal ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

Howlgalkaan ayaa intiisa badan waxaa laga fuliyay Xaafadda Suuqa Xoolaha , waxaana intii uu howlgalkaasi socday lagu qabtay dhalinyaro badan.

Ciidamada ayaa dadka ku dhaqan Xaafadaasi u sheegayay iney is dejiyaan isla markaana ay laamaha ammaanka la wadaagaan sugidda nabad gelyada Muqdisho.

Intii uu howlgalku socday ayay ciidamada dowladda ay soo qabteen dhalinyaro aad u badan inkastoo markii dambe baaris lagu sameeyay ka dib la siidaayay badankood.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa laba jibaaray bilihii lasoo dhaafay howlgallada ay ka waddaan Magaalada Muqdisho.