Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta ka baaqday in uu hortaggo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo horay ugu yeeray.
Wasiir Xoosh ayaa warqad uu u soo qoray Guddoonka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ka codsaday in dib loogu dhigo kulanka, isagoo tilmaamay in 11 Agosto uu diyaar u yahay inuu hor-yimaado Baarlamaanka, haddana uu aadayo Caafimaad.
Gudoomiye Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada in ay cod u qaadaan in Wasiirka Warqadaasi laga aqbalo iyo inkale.
Cod qarsoodi ah oo loo qaaday dib u eegis lagu sameynayo xilka Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa ogolaatay 85 Xildhibaan, halka 77 ay diiday, waxaa arrintan loo xil saaray Guddiga joogtada Baarlamaanka oo dib u eegis ku sameyn doona xilka Wasiirka Dastuurka oo saaka ka baaqday kulankii looga yeeray, isagoo soo codsaday in 11-ka bisha Agosto looga dhigo
Mooshinkaasi ayaa waxaa ku qornaa in wasiirka arrimaha dastuurka uu hor yimaado baarlamaanka si su’aalo loogu weydiiyo ka hor imaashihiisa go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee qaraarka sugidda Xilheynta Xubnaha Golaha Shacabka iyo buuxinta kuraasta golaha ka banaanaata.
Ujeedada ugu wayn ee Wasiir Xoosh Jabriil loogu yeeraayo ayaa la xiriirta in uu ka hor yimid go’aankii Baarlamaanka Somaliya ay ku laaleen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka.


