Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo howlgal wadajir ah sameeyay

Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo katirsan AMISOM ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano katirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Militeriga Deegaanka Galweyn Gaashaanle Cabdi Carab qeybna ka ahaayeen Ciidamada AMISOM ayaa laga fuliyay tuulooyinkau dhow degaanka Golweyn tuulooyinka kala ah Ceel Axmed, Muungi, Boorow Doonshaahi, daaydog iyo Dudumo.

Howlgalka oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha degaannada u dhow degaanka Golweyn iyo waddooyinka dhexmara, si Amniga guud loo xaqiijiyo.

Taliyaha Ciidamada Millateriga degaanka Golweyn Gaashaanle Cabdi Carab ayaa sheegey in uu socon doono howlgalka ilaa iyo inta degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose laga saarayo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Deegaanka Galwayn Maxamed Sheekh Cusmaan Islaaw  (Maaday) ayaa bogaadiyay dadaalka ay Ciidamada Amniga Deegaanka Golwayn ku xaqiijinayaan xasiloonida degaanada howlgalka laga sameeyay.