Farmaajo oo kulamo ka wada Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir-madexeedka Midowga Afrika kulan doceed kula qaatay Madaxweynaha dowladda Saambiya Mudane Hakainde Hichilema.

labada Madaxweyne ayaan ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Saambiya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahau Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadayaa madaxda ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika.