Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa waxaa uu kormer ku tegay Xerada Ciidamada Ururka 5aad ee Danab oo ku taalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Danab ee ku sugan Magaalada Kismaayo, isaga oo kala hadlayay sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Taliye Cabdi Maalik ayaa faray Saraakiisha Ciidamada Ururka 5aad ee Danab inay dar-dar geliyaan howlgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab gaar ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ka howlgallaan Ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab kuna qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland.