Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Jowhar

Booliska magaalada Johwar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa howlgallo isbajoog ah ka sameeyey xaafadaha kala duwan oo magaaladaas ka kooban tahay.

Howgaladan ayaa u jeedkoodu waxaa uu yahay in Amniga lagu xaqiiyo iyada oo ciidanku foojig naan dheeraad ah ka muujinayaan in falal Amnidarro aysan ka dhicin halkaas.

Howlgalkii u dambeeyey oo xalay ciidanku ka sameeyeen Jowhar ayaa waxaa lagu soo qabtay dhowr qof kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir laleeyihiin Al-Shabaab.

Booliska Magaalada Jowhar ayaa badiyey Howlgaladooda iyaga oo sheegay inay kaga hirtagaan inay Al-Shabaab geystaan falal Amnidarro,isla markaana ciidamadu ay yihiin kuwa feejigan.