Howgallo gaar ah oo ka socda Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo.

Saldhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin xaafada Booliska ee Magaalada Kismaayo waxaa xalay lagu tuuray Bambo gacmeed, waxaana Bambo gacmeedka kadib Ciidanka ay afarta jiho u rideen Rasaas fara badan.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Howlgalladan horkaceysa ayaa waxa ay Risaala u sheegeen ujeedka Howlgaldan in ay yihiin  sidii loo sugi lahaa amniga.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in Howlgadan hada socda lagu soo qab qabtay Dhalinyaro tiradooda ay kor u dhaafeyso 10 Qof, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin Bambo gacmeedkii xalay lagu tuuray saldhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin Kismaayo.