Spain ayaa doonaya un ay ka aarsadaan Talyaaniga guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Euro 2016. marka caawa ay usafrayaan garoonka Juventus Stadium ee magaalada Torino.
Spain ka hor kulanka Italy ay kula qaadanayaan isreebreebka koobka adduunka Gruop G ,waxay labaduba soo badiyeen kulankii ugu horeeyay e isreebreebka koobka adduunka 2018.
Ogeysiiska Ciyaaarta
Kulanka: Italy vs Spain
Tartanka: Isreebrebka koobka adduunka 2018
Saacada: 9:45 PM
Garoonka: Juventus Stadium, Torino.
Qaab Ciyaareedka Labada Xul
Spain ayaa kusoo garaacday xulka Liechtenstein 8-0 kulankii ugu horeeyay, Diego Costa, David Silva iyo Alvaro Morata ayaa dhamaan shabaqa soo taabtay ciyaartaaas, Sidoo kale Vitolo iyo Sergi Roberto ayaa dhaliyay gool.
Italy ayaa sidoo kale kulankii ugu horeeya waxay 1-3 ku garaaceen Israa’iil, in kastoo Chiellini casaan loo taagay ciyaarta. Guul
group G, ayaa ah kan ugu adag waxaana la sugayaa cida caawa kadub karta marka ay kulanka isreebreebka koobka adduunka isku wajahaan xulalka Italy iyo Spain.
Xaqiiqada Labada Xul
Labada xul waxa ay leeyihiin tayo aad u weyn kulankaan marka ay isaga hor imaanayaan. ka dib Euro 2016 kulanka labada dhinac Spain ayaa umuuqata mid bandhig wanaasgan oo guulo ah kusocta.
Spain ayaa badisay 2 kulan ee ugu danbeysay ka dib markii tartanka Euro fadexad ay kala soo kulmeen, waxay dhaliyeen wadar ahaan 10 gool labadaas kulan. Intaas waxaa sii dheer, in ay shabaqa ilaashadeen labadaas kulanba.
ciyaarta u dhexeeysa labada xul mar walba waa adag tahay, midkoodna looma sadaalin karo natiijada. Laakiin labada oo uu ka muuqdo isbedelo dhanka macalinka ah ayaa la sugayo ciyaartooda caawa ee Juventus Stadium ka dhaceysa.


